Sahanka Ogaanshaha Fikirka Degeneyaasha ee La Kulan

Reer Minneapolis ahaan, waxaan rabnaa inaan war kaa maqalno!

Hay’adda Meet Minneapolis waxay samaynayaa sahan, taladaaduna waxa ay naga caawin doontaa in aanu kor u qaadno socdaalka iyo dalxiiska Minneapolis.

Maxay tani muhiim u tahay? Booqdayaasha waxay keenaan magaalada wax ka badan shandaddooda!

Sannad kasta, Hay’adda Meet Minneapolis waxay keentaa 600-800 shirweyne, kooxo, dhacdooyin isboorti, iyo shirar lagu qabto Minneapolis iyo Xarunta Shirarka ee Minneapolis Convention Center. Shaqadeenu waxay caawisaa in ay dakhli cashuureed dheeraad ah oo gaaraya malaayiin doolar u soo saarto Minneapolis waxayna taageertaa ku dhawaad 30,000 dalxiisayaal iyo shaqaale soo dhawayn iyo qoysaskooda. Ugu dambayntii, lacagta laga helo kharashka soo-booqdaha waxay gacan ka geysataa kordhinta tayada nolosha dadka deggan iyo kor u qaadista dhammaan waxyaabaha aan ka jecelnahay Minneapolis.

Xogta lagu ururiyay sahankan ayaa ka caawin doona Hay’adda Meet Minneapolis, iyada oo la kaashanaysa MMGY NextFactor, si ay u diyaariyaan qorshaha 10-ka sano ee magaalada Minneapolis ee loo yaqaan “Destination Master Plan” oo la cusboonaysiiyay si looga dhigo Minneapolis mid soo jiidata dad badan oo magaalada safar ama dalxiis ku yimaada.

Fikradaada waa muhiim, jawaabahaaguna waxay ahaan doonaan kuwo qarsoodi ah. Waxaan rajeyneynaa inaad dhiibto fikradahaaga ugu dambeyn taariikhdu markay tahay May 3. Sahanku wuxuu qaadan doonaa qiyaastii 5 daqiiqo in la dhammaystiro.

Waad ku mahadsan tahay kaalmadaada qaabaynta mustaqbalka wanaagsan ee magaalada adoo nala wadaagaya fikradahaaga!

T