Sahan ku saabsan Xiisaha Qalabka Beeraha Korontada ku Shaqeeya

Waaxda Beeraha Minnesota (MDA) waxay heshay ku dhawaad $6 milyan oo deeq federaal ah si ay uga caawiso beeraleyda iyo xoolodhaqatada iibsashada qalabka korontada ku shaqeeya ee beeraleyda iyo xoolaha.

Inta badan lacagta waxaa lagu qaybin doonaa deeqo. Anagoo ka shaqeynayna sidii barnaamijkan cusub uu u noqon lahaa mid waxtar leh, hufan, isla markaana ku habboon beeralayda, waxaan qiimeyn weyn siinaynaa ra’yigiina. Waad ku mahadsan tihiin.
1.Waa maxay xirfaddaada ugu weyn/ama ururka aad ka tirsan tahay?(Required.)
2.Haddii aad beero leedahay, imisa acre ayuu ka kooban yahay beerahaaga?
3.Haddii aad dhaqato xoolo, noocee xoolo ah ayaad dhaqdaa?
4.Weligaa maka fikirtey in aad isticmaasho qalab koronto ku shaqeeya oo aad ku adeegsato beerahaaga?
5.Haddii loo eego cabbirka 1 ilaa 4, heerkee ayaad aqoon ugu leedahay qalabka beeraha ee korontada ku shaqeeya?
1. Gabi ahaanba aqoon uma lihi
2. Waan ka war hayaa wax yar
3. Waxaan leeyahay aqoon badan
4. Aad ayaan ugu xeel dheerahay
6.Waa noocee qalabka koronto ku shaqeeya ee aad ka fiirsan lahayd in aad ku isticmaasho beerahaaga?
(Calaamadee dhammaan kuwa khuseeya)
7.Waa maxay 3-da walaac ee ugu weyn ee aad ka qabto qalabka beeraha ee korontada ku shaqeeya?
8.Waa intee qadarka ugu badan ee deeqda aad u maleyneyso in barnaamijkani bixiyo?
9.Waaxda Beeraha Minnesota (MDA) waxay filaysaa in inta badan lacagta loo isticmaalo deeqaha is-waafajinta ee beeralayda doonaya inay iibsadaan qalab beeraha oo koronto ku shaqeeya. Si kastaba ha ahaatee, marka deeqdu
weyn tahay, deeqo tiro yar ayaa la bixin karaa. Iyadoo taas maskaxda lagu hayo, waa noocee qadarka is-waafajinta ee aad ku talin lahayd?
10.Waa maxay shuruudaha ay tahay in MDA isticmaasho si loo hormariyo codsiyada? (jawaab gaaban)
Si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay iyo ogeysiisyada ku saabsan barnaamijkan, fadlan halkan riix oo bixi ciwaankaaga email. Xiriirkani wuxuu kuu geyn doonaa foom cusub, taasoo xaqiijinaysa inaan ku hayno jawaabaha sahan si qarsoodi ah.
Iyadoo la raacayo Xeerka Xuquuqda Dadka Naafada ah ee Maraykanka, macluumaadkan waxaa lagu heli karaa habab kale oo isgaarsiineed haddii la codsado adigoo wacaya 651-201-6000. Isticmaalayaasha TTY waxay wici karaan Adeegga Gudbinta Minnesota 711.
MDA waa hay’ad siinaysa fursad siman dhammaan dadka isla markaana ah bixiye adeeg siman.