• English
  • Español
  • Oromoo
  • Soomaali
  • Tagalog
  • Tiếng Việt
  • Русский
  • Українська
  • العربية
  • ትግርኛ
  • አማርኛ
  • 中文(简体)
  • 中文(繁體)
  • 한국어
Haddii aad ubaahan tahay caawinta buuxinta codsigaan ama aad doorbidi lahayd inaad kudhammeystirto xog uruurintaan luuqad kale ama qaab kale, fadlan iimeel udir HaveASay@kingcounty.gov ama wac (206) 263-9768.

Waad ku mahadsan tahay daneyntaada King County ee Transit Advisory Commission (TAC). Doorka ay qabato TAC waxa ay tahay inay kala taliso xubnaha shaqaalaha Metro iyo maareeyaha guud, Golaha iyo Maamulka Fulinta ee King County, maamulka sharciga deegaanka, iyo guddiyada la xariira gaadiidka ee ku saabsan arrimaha xeerarka gaadiidka, mashruucyada, iyo barnaamijyada. Fadlan booqo bogga webseedkeenasi aad u hesho xog dheeraad ah.

TAC waa guddi isxilqaan ah oo ka kooban xubnaha bulshada oo matalaya midkasta oo kamid ah sagaalka degmo ee Golaha King County (eeg khariiradda degmada). Xubin kasta waxaa soo magacaaba Maamulka Fulinta County waxaana mooshin ku ansixiya Golaha Degmada. Xubinimada waxaa kamid ah raacayaasha gaadiidka, xubnaha qoyska raacayaasha gaadiidka, iyo/ama raacayaasha gaadiidka ee suuragalka ah.

Shakhsiyaadka loo doortay inay u adeegaan guddiga ama komishanka King County ayaa sidoo kale looga baahnaan doonaa inay ku buuxiyaan foomka King County Ethics Program Financial Disclosure Form muddo labo asbuuc ah gudahood kadib markii loo magacaabo inay u adeegaan guddiga ama komishanka King County.

FADLAN OGSOONOOW: Macluumaadka aad siiso foomkaan waxa ay noqoni doonaan diiwaan dadweyne oo uu qofkasta kusameyni karo baaritaan furan oo madax bannaan sida kucad Washington State Public Records Act (RCW 42.56.250). Hasayeeshee, inkasta oo aan shaacin doono magaca codsadaha, arrimahaan soo socdo lama daabici doono: ciwaanka soo codsadaha, lambarka taleefoonka iyo ciwaanka iimeelka.
Wakhti huridda qofka xubinta ah iyo waxqabadyada looga baahan yahay
  • Ka qeybgal shirar 2-saac ah bishiiba oo la qabto Talaadada saddeexaad, 6– 8p.m.
  • Ka qeybgal shirarka guddi hoosaadka sidii loogu baahdo
  • Ka qeybgal dib ulaabasho sanadle ah (wakhtiga iyo taariikhda waxaa la go'aamin doonaa sanadka 2023)
  • Kula xidhiidh iimeel iyo/ama taleefoon iskuxirka TAC
Shirarka TAC waxaa lagu qabtaa habka fogaan araga ee Zoom ilaa iyo amar danbe. Marki ay noqoto mid ammaan ah in sidaas la sameeyo, waxaan soo celin doonaa kulamada tooska ah ee lagu qabto King Street Center, Seattle.
Xogta Xariirka

Question Title

* 1. Magacaa?

Question Title

* 2. Waa maxay xogta xariirkaada?

Question Title

* 3. Xubnaha Transit Advisory Commission waxaa laga doonayaa inay dagan yihiin King County. Waa maxay ciwaanka goobta aad joogto? (Haddii aad tahay guri la'aan ama aad leedahay guri aan la isku halleyn karin, fadlan geli ciwaankii udanbeeyey ee aad taqaano ama ciwaanka goobta aad hadda kusugan tahay halkaas oo aad kuheli karto boostada.)

Question Title

* 4. Qofka lala xariiraayo markay jirto xaalad gurmad degdeg ah (waa mid ikhtiyaari ah)

Xogta shakhsiga (waa mid ikhtiyaari ah)

Golaha King County iyo Maamulka Fulinta ee King County waxaa ka go'an inay noqoto mid loo dhan yahay oo gaarta dhammaan dadka deggan King County si loo xaqiijiyo in guddiyada iyo komishanka King County ay yihiin kuwa ka tarjumaya bulshada aan u adeegno. Xog siinta qeybta hoose waa mid ikhtiyaari ah laakiin waxa ay naga caawin doontaa inaan gaarno yoolkaan.

Question Title

* 5. Qofka aad hadda u shaqeyso

Question Title

* 6. Sidee ayaad isku aqoonsataa?

Haddii aad jeclaan lahayd inaan kuugu wacno magac uyaallo kala duwan shirarka iyo si shakhsi ahba sababo ammaan darteed, fadlan nasoo ogeysii.

Question Title

* 7. Kala duwanaanta jiilka (fadlan dooro da'da udhaxeysa ee adiga ku khuseysa)

Gaaritaanka

Question Title

* 8. Ma qabtaa naafo sida lagu qeexay Americans with Disabilities Act?

Question Title

* 9. Maxaad ubaahan tahay si aad si sahlan oo kalsooni qabto ooga qeyb qaadato hawlaha TAC, sida shirarka fogaan araga ama farriimaha iimeelka/taleefanka? Dooro dhammaan meelaha ku habboon.

Question Title

* 10. Xubnaha TAC waxaa la siiyaa ciwaan iimeel ah oo loogu talagalay wada xiriirada la xariira TAC. Sidee ayaad doonaysaa inaad ku gasho ciwaankaan iimeelka?

Question Title

* 11. Shirarka TAC waxaa lagu qabtaa habka fogaan aragga ee Zoom ilaa iyo amar danbe. Sidee ayaad ooga qeyb gali doontaa shirarka fogaan araga ah?

Question Title

* 12. Hadda ma u shaqaysaa King County?

Su'aalaha codsiga

Question Title

* 13. Waa maxay sababta aad u dooneyso inaad kamid noqoto Transit Advisory Commission ee King County? Waa maxay xariirka kaala dhexeeya gaadiidka iyo/ama qofka adeegsada gaadiidka?

Question Title

* 14. Waa maxay arrimaha gaadiidka aad xiisaynayso inaad wax badan ka barato adigoo umaraya adeega TAC?

Question Title

* 15. Waa maxay arrimaha gaadiidka ay tahay in TAC ay wax ka qabato?

Question Title

* 16. Waa maxay khibrada xirfada shakhsiyeed, asalka, ama xirfadaha aad kusoo biirin lahayd TAC?

Question Title

* 17. Ma kasoobixi/ballan qaadi kartaa soo xaadiritaanka iyo ka qeyb galka shirarka joogtada ah iyo la xariiridda shaqaalaha wakhtiga ugu habboon?

Question Title

* 18. Aniga oo gudbinaya codsigaan, waxaan cadeynayaa in macluumaadka aan ku bixiyey codsiga dhexdiisa ay yihiin kuwo run ah waxaana ku dhammeystirayaa ogaalkayga ugu sareeya.

Buuxinta codsigaan ma damaanad qaadaayo u magacaabidda jagada Transit Advisory Commission. Codsigaaga waxaa loo diri doonaa Maamulka Fulinta ee King County iyo Golaha Degmada si ay u tixgeliyaan u magacaabista jagada.

T