• English
  • Español
  • Soomaali
  • Thok Nath
  • العربية

Horudhac iyo Tilmaamaha

Waad ku mahadsan tahay ka qeyb qaadashadaada ee daraasad! Sahmintan waxa ay isku keeneysa ama aruurineysa fikradahaaga iyo waxa aad ka aaminsan tahay xaalada isku dhafnaanta ee Greater Mankato Area. Ujeedka sahminta awgeed, Greater Mankato Area waxaa kamida magaaloyinka Mankato, North Mankato, Blue Earth iyo maamul goboledyada Nicollet ee ka baxsan magaaloyinkan. Haddii aad tahay qof socdaal kumara, fadlan jawaab celintaadu haku saleysnaato waxa aad ka aaminsan tahay bulshada Greater Mankato, laakiin yesan ku saleysnaanin aaga/eeriyada aad marto.

Sahmintu waxa ay qaadaneysa ku dhawaad 15- 20 daqiiqo si aad dhameystirto. Majirto jawaab sax ah ama qalad ah. Waxaan aad kaaga mahad celineyna jawaabahaaga daacada ah ee ku saleysan qibradaada. Jawaab celintaadu waxa ay inaga caawin doonta in aan dhisno bulsho siman oo isku dheeli tiran.

Inkasto oo ay sahmintan uruurineyso warbixin deegaameed, jawaabahaagu waxa ay ahaan doonaan kuwo gabi ahaanba qaas ah, wax warbixin cid lagu tixraaci karana shaqsi lalama wadaagi doono. Xogtan ayaa lagu lifaaqi doona xog badan si siwanaagsan loogu fahmo xaalada isku dhafnaanta sida u kala arkaan dadka kala duwan iyo bulshooyinka ku nool eeriyada.

Haddii aad rabto in laguu diwaan geliyo helida $25 oo kaarka hadiyada ah markaa dhameyso sahmintan, fadlan ku qor ciwaankaaga imeylka dhamaadka sahmintan.

Tilmaamaha:
1. Fadlan ku samey sahmintan hal fadhi adigoo dhameystiraaya dhamaan bogageda kala duwan.
2. Fadlan u dooro jawaab su’aal walbo kahor inta aadan u gudbin bogga xiga. Su’aallaha lagama boodi karo, laakiin faallo dheeri ah waad ku dari kartaa.
3. Fadlan ku dhufo “Xigta” dhamaadka bog walbo si aad u diiwaangeliso xogta jawaabahaaga.
4. Fadlan ha isticmaalin falaarta dib u noqoshada ee aabka aad isticmaaleyso. Waxaad dib ugu noqon kartaa boggii hore iyo bogga xiga ee sahminta adigoo ku dhufanaya “Hore” iyo “Xigta” ee qeybta hoose bog walbo, jawaabtaaduna waa la keydin doona.
5. Fadlan hubso in aad aragto “Bogga Mahadnaqa” dhamaadka si aad u xaqiijiso in jawaabahaaga la keydiyay.
6. Haddii aad si lama filaana ama kama ah aad uuga baxdo sahminta, waxaan kaaga mahadcelineyna dadaalkaaga dheeriga ee dib u sameyntaa.
 
10% of survey complete.

T