1. Default Section

Chinese | English | Spanish | Somali | Tagalog | Vietnamese

Salaan! Waxaan kaa codsaneyna in aad nagu kaalmeysid buuxinta foomkaan gaaban maxaa yeelay waxaan ogsoonahay in aad tahay xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada kaasoo daneeya xaafadiisa iyo magaaladiisa. Waxaan Guddiga Magaalada Seattle (Seattle City Council) u soo bandhigi doonaa fikrado ku saabsan xaafadaha ka madax banaan karboonka 14ta Sateembar, 2010.

Maxay tahay xaafadda ka madax banaan karboonka? Hagaag, dhab ahaan taas waa waxa aan ku weydiineyno adiga! Waan ogsoonahay in aan iibsan karno “waxyaabaha lagu bedello karboonka” si aan u noqono kuwo in badan ka madax banaan karboonka, waxaan kaloo ogsoonahay in mustaqbalka aan u baahan doono in aan yareeyno adeegsiga shidaalka saliida si loo yareeyo gaaska loo yaqaan guriga cagaaran (green house gases), hase ahatee waxaan kaloo ogsoonahay in aan u baahanahay in aan in badan qabano si loo hubsado in aan taageerno xaafadaha dersika kuwasoo ku jira koriimo wanaagsan, xoogan oo sugan Halkaan waxaa ku jira maqaal kooban oo ku saabsan magaalooyinka adadag ee aad akhrisan kartid si aad u noqotid xogogaal.

Yaan nahay anaga? Waxaan matalnaa kooxaha dadka sida adiga oo kale kuwasoo ku hawlan in ay xaafadahena ka dhisaan bulshado adadag oo isku filan. Waxaa Seattle ka jira kooxo badan oo kala duwan oo kala nooc ah kuwasoo ka shaqeeya dhismaha magaalo isku filan – aan ogaano haddii kooxdaada tahay guddi u shaqeeya bulshada, aqalka ganacsiga, koox ka shaqeeysa dhaxalka hidaha, urur ka shaqeeya beeraha, koox ku hawlan fanka xaafadda, koox u taagan isku filnaanta bulshada, ama wax kale – dhamaan waxan nahay dad wada shaqeeya! Waxaan rabnaa in aan ogaano kuna darno fikradahaada, talooyinka aad soo jeedisid iyo mashariicda ay kooxdaada ka shaqeeyso si dhab looga dhigo sameeynta magaalo isku filan oo ka madax banaan karboonka.

Haddii aad dooneysid in aad in badan ka ogaatid waxa aan sameeyno oo aan noqono kuwo in badan ku lug yeesha, fadlan booqo: http://seattleneighbors.org/

Question Title

* 1. Fadlan na soo gaarsii macluumaadka aan kaala soo xariiri karno si aan kuula socodsiino waxa aan sameeyno iyo si aan kuula soo xariirno oo aan in badan uga ogaano fikradahaada, talooyinkaada iyo mashariicda jira.

Question Title

* 2. Maxay yahiin waxyaabaha ay kooxdaada iminka sameeyso si loo yareeyo sida bulshadaada u isticmaaho tamarta iyo ilaha dabiiciga?

Question Title

* 3. Ma nala qeybsan kartaa fikrado ku saabsan siyaabaha dawladda magaalada u dhiiri gelin karto una taageeri karto xaafadaha si ay u noqdaan kuwo caafimaad badan, faraxsan, in badan ku hawlan deegaanka oo adadag inta aan ku sii socono ka madax banaanida karboonka?

Question Title

* 4. Dawladda Magaalada waxay ka kooban tahay dad sida anaga oo kale kuwasoo inta badan isku daya dhismaha bulsho kobacsan. Kooxdaada miyay iminka kaalmeysaa dawladda si ay u noqoto mid adadag oo isku filan? Sidee ayaad kaalmo uga geeysan kartaa mustaqbalka?

Question Title

* 5. Noqo qof wax soo saara! Xaafadaada, maxaa loola jeeda “ka madax banaanida karboonka”? Maxay yahiin shaqooyinka, ganacsiyada, iyo hawlaha gaari kara horumar haddii xaafadaada yareeyso isticmaalka shidaalka saliida? Maxay u ekaan doonaan guryaha, dugsiyada, jidadka, iyo beeraha? Maxay yahiin adeeygada ay bixin doonto Magaalada?

Question Title

* 6. Ma qabtaa fikrado kale oo aad rabtid in aad nala qeybsatid kuna saabsan sida Magaalada iyo xaafadaheeda u noqon karaan kuwo ka madax banaan karboonka?

T