Jawaabcelinta Qorshaha Olmstead ee Minnesota

Bishii Meey 2023, Gole-hoosaadka Olmstead ayaa go'aansaday in la gaaray wakhtigii dibu-eegista Qorshaha Olmstead ee Minnesota. Hawshan waa qorshe ka jirta gobolka oo dhan oo lagu sameynayo waxyaabo badan oo la kala dooranayo, fursado, iyo taageerada dadka naafada ah si ay ugu dhex noolaadaan, uga dhex shaqeystaan, wax ugu bartaan, iyo si ay ugu raaxeystaan nolosha dadweynaha. Habka qoritaanka Qorshaha soo socda waxaa diiradda lagu saari doonaa in Qorshaha lala sameeyo dadka naafada ah. Xafiiska Fulinta Olmstead (OIO) waxa uu rabaa in uu faahfaahin ka helo dadka Minnesota oo isugu jira da' kasta iyo dadka naafada ah, sida dadka qaba xanuun ah dhimirka, kuwa qabatimay maandooriyaha, kuwa uusan buuxin garaadkooda, korriinkooda, dareenkooda, jirkooda, ama kuwa qaba naafanimo kale. Waxaa jiri doona fursado kala duwan oo la siinayo xubnaha dadweynaha si looga helo fikrado iyo si ay uga qeybgalaan cusbooneysiinta Qorshaha.

Faahfaahinta Qorshaha ee ah wixii cusub kala soco barta intarnetka ee OIO oo ka war hay wixii akhbaar ah adigoo rukumanaya warsidaha OIO. Si aad u codsato daraasadda oo ku qoran hab kale, fadlan farriin noogu soo dir MNOlmsteadPlan@state.mn.us ama nagala soo xiriir 651-296-8081.

Haddii ay kugu dhacdo xaalad degdeg ah, fadlan garaac 911. Si aad u soo sheegto xadgudub iyo dayacaad, booqo bogga tasiilaadka xadgudubka iyo wixii dayacaad ah. Si aad u hesho tasiilaadyo kale oo ah caawimaad, fadlan booqo bogga tasiilaadka.

Dhowritaanka Xogta Shakhsiyeed: Su'aasha hoose waxaa loogu talagalay in lagu aqoonsado waxyaabaha mudnaanta koowaad ee Qorshaha Olmstead ee soo socda. Foomkan waa qarsoodi, taas oo macnaheedu yahay in aysan isku xirneyn jawaabaha iyo dadka magacyadooda haddii aysan dadku jawaabta ku qorin macluumaad aqoonsi u ah. Jawaabaha waxa lala sii wadaagi karaa dadweynaha iyo wakaaladaha gaarka ah ee gobolka si ay loogu hago shaqadooda la xiriirta Qorshaha Olmstead ee soo socda. Qofkii raba ayaa ka soo jawaabi kara su'aalaha oo qofna laguma khasbi karo. Xaaladaha qaarkood, OIO waxay u baahan kartaa in ay jawaabtaada la sii wadaagto meelo kale, sida markuu jiro amar maxkamadeed ama marka loogu baahdo sharci ahaan.
1.Maxaad rabtaa in aad u sheegto Gobolka Minnesota si loo tixgeliyo marka la sameynayo Qorshaha Olmstead ee soo socda?