Qarsoodi ah:
Sahankan waxaa loogu talagalay inuu ahaado mid aan magac lagu aqoonsan; fadlan ha ku darin jawaabahaaga wax macluumaad ah oo lagu aqoonsan karo qof ahaan.
Sharciga Diiwaannada Dadweynaha ee Washington (The Washington Public Records Act) (Xeerka Dib Loo Muraajiciyay ee Washington (Revised Code of Washington,
RCW) 42.56) wuxuu ka dalbanayaa hay’adaha inay diiwaannada dadweynaha u diyaariyaan xubnaha bulshada, iyadoo ay jiraan ka-dhaafitaanno kooban oo xaddidan. Macluumaadka lagu ururiyo sahankan waxaa laga yaabaa in la shaaciyo si waafaqsan sharciga. Jawaabaha sahanka waxaa la isku dari doonaa dhammaan ka-qaybgalayaasha, waxaana, ilaa aad ku darto macluumaad lagu aqoonsan karo jawaabahaaga, jawaabaha ma muujin doonaan aqoonsigaaga.