Hordhac

Waan kaaga mahad celineynaa in aad nala wadaagtay aragtidaada ku wajahan Adeegga Degaanka iyo Dabeecadda ee Minnesota! Ra’yiga aad ka dhiibato waxa uu naga caawinayaa dhaqaalaha mustaqbalka loo qoondeeynayo mashaariicda kheyraadka dabiiciga ee Minnesota.

The Environment and Natural Resources Trust Fund (ENRTF) waxaa lagu aasaasay cod dhiibashadii reer Minnesota ee 1988 ee wax looga bedelay dastuurka gobolka. Waxaa maalgeliyey Minnesota State Lottery. Maagelintani waxa ay maalgelisaa mashruuca beekhaaminta, badbaadinta, iyo kobcinta tayada hawada, biyaha, dhulka, kalunka, durjoogta Minnesota iyo adeegyada kale ee la xiriira dabeecadda oo mustaqbalka ay ka faa’iideysan karaan dadka reer Minnesota iyo jiilka soo koraya. Tan iyo 1991, ENRTF waxa ay bixiyeen dhaqaale qiyaastii gaaraya $960 milyan oo 1,900 mashruuc ee degmo kasta oo gobolka ka tirsan.

Legislative-Citizen Commission on Minnesota Resources (LCCMR) waa guddi ka kooban 17-xubnood oo isugu jira sharci dajiyayaasha gobolka iyo dad muwaadiniin ah. Sanad kasta, Commission waxa ay sharci dajiyayaasha u soo bandhigaan mashaariicda lagu maalgelinayo dhaqaalaha loo qoondeeyey. Commission waxaa sharci ahaan laga doonayaa in ay diyaariyaan qorshe istaraatiijiyad lixdii sano ee kasta si ay u diyaariyaan talo soo jeedinta. Commission waxa ay iminka ka shaqeynayaan abuuritaanka qorshaha istaraatiijiyadda ee 2025-2031, taasoo loo baahan yahay talo soo jeedintaada.

Sahanku ma aha mid khasab ah oo waxa uu kugu qaadanayaa in aad ka jawaabto 5-10 daqiiqo. Jawaabaha aad ka bixiso su’aalaha waa kuwo qarsoodi ah.

Haddii aad wax su’aal ka qabto ENRTF ama LCCMR, fadlan la soo xiriir lccmr@lccmr.mn.gov ama (651) 296-2406. Waxa aad macluumaad dheeraad ah ka heli kartaa https://www.lccmr.mn.gov.

Haddii aad kala kulanto wax dhib ah sahankan, fadlan la soo xiriir lccmr@lccmr.mn.gov.
Page1 / 13
 
8% of survey complete.

T