Sida laga yaabo inaad la socoto, Guddida Dugsiyada Seattle waxay meelmariyeen wakhti cusub oo ay dugsiyadu bilaabmi doonaan marka la gaadho sanad dugsiyeedka 2016-17. Isbedelkan waxaa loo sameeyey si loo waafajiyo daraasad lagu sameeyey dhalinyarta oo muujinaysa inay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin hurdo ku filan, caafimaad fiican, waxbarasho iyo dugsiga oo ayna ka habsaamin u horseedayso ardayda. Dugsiyada sare badankoodu waxay bilaabmi doonaan wakhti danbe, dugsiyada hoosena waxay bilaabmi doonaan wakhti hore.
In kasta oo isbedelka wakhtiga jalasku farxan badan yahay, waan ognahay inuu abuuray caqabado xaga gaadiidka, jadwalka iyo barnaamijyada ah, waananu ugu mahadnaqaynaa qoysaska iyo bulshada warbixinta ay nagu soo celiyeen. Waxay degmadu hada diirada saaraysaa dhowr mawduuc oo muhiima si ay si habsamiya u dhaqan galiyaan wakhtiga jalaska ee cusub, waxaana ka mida:
· Adeega Nafaqada (Quraac iyo Qado)
· Barnaamijyada la qabto dugsiga ka hor iyo ka bacdi
· Ciyaaraha
Shaqadan waxaa ka mida inaan kaa dalbano aragtidaada saxedkaa (3) qaybood iyo raadka uu isbedelku ku yeelano inuu ilmahaagu helo adeegyadaa.
Fadlan dhowr daqiiqo oo aad kaga jawaabto su’aalahan nasii. Fikirkaad ku darsato go’aan gaadhistani waa mid qiimo wayn ugu fadhida guddida, degmada iyo bulshada Seattle go’aanka iyo shaqada ay idin ogaysiinayaan.
Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga!