Sahanka Qiimeynta Baahida – Barnaamijyada DBE + Tababar Shaqo ee Toos ah (MnDOT Somali Companies Survey) |
Barnaamijyada DBE + Tababar Shaqo ee Toos ah
Iyada oo qeyb ka ah helitaanka maalgelinta ay bixiso Waaxda Federaalka ee Waddooyinka (Federal Highway Administration) si loogu talogalay dayactirka iyo dhismaha waddooyinka guud ee gobolka, Wasaaradda Gaadiidka Minnesota (MnDOT) waxaa looga baahan yahay inay dhammaystirto Qiimeyn Baahiyeed oo ku saabsan Barnaamijyadeeda Ganacsiyada Fursad-xiran (Disadvantaged Business Enterprise - DBE) iyo Tababarka Shaqada ee Tooska ah (On-The-Job Training - OJT). Bishii Janaayo, Xafiiska Xuquuqda Madaniga ah ee MnDOT wuxuu heshiis la galay shirkad fadhigeedu yahay Minneapolis oo la yiraahdo SDK Strategic Services, si ay u fuliso Qiimeynta Baahida ee sanadka 2025. Xogta laga ururiyo sahanka hoos ku qoran waxaa lagu dari doonaa wareysiyo iyo kooxo diiradda lagu saarayo, si loo helo sawir dhammaystiran oo barnaamijyada laga bixiyo—oo ay ka mid yihiin caqabadaha ka jira ka-qaybgalka, dhibaatooyinka haysta dadka barnaamijyadaasi saameeyeen, iyo fursadaha lagu horumarin karo—taasoo la siin doono shaqaalaha MnDOT iyo maamulayaasha federaalka.
Sahanka hoos ku xusan waxaa loo sameeyay si uu u ururiyo aragtiyada iyo waayo-aragnimada dadka ay barnaamijyadani ay saameeyaan. Sahanka waxaa lagu dhammayn karaa muddo 10–12 daqiiqo gudahood ah, dhammaan jawaabahuna waa sir ah. Sahankan laguma ururiyo wax macluumaad aqoonsi ah. Ma jiraan jawaabo sax ah ama khaldan—ujeeddadu waa in si qoto dheer loo fahmo waayo-aragnimada shirkadaha DBE iyo/ama qandaraasleyaasha waaweyn (Prime Contractors) ee ku saabsan barnaamijyada DBE iyo OJT.
Wixii macluumaad ah ee la xiriira SDK ama su’aalo ku saabsan Qiimeynta Baahida, fadlan la xiriir SDK Strategic Services (needsassessment@sdkstrategicservices.com).