Sahanka Shaqaalaha (MnDOT Somali Workforce Survey) |
Sahanka Shaqaalaha (MnDOT Somali Workforce Survey)
Xafiiska Xuquuqda Madaniga ah ee Wasaaradda Gaadiidka Minnesota (MnDOT) wuxuu la shaqeeyaa qandaraasleyaasha si loo hubiyo in goobaha shaqadu ay yihiin meel furan oo lagu soo dhoweeyo qof walba. Taas oo qayb ka ah shaqadan, MnDOT waxay heshiis la gashay shirkad fadhigeedu yahay Minneapolis oo la yiraahdo SDK Strategic Services, si ay u fuliyaan sahan ku saabsan shaqaalaha ka shaqeeya dhismaha culus ee waddooyinka si loo fahmo waayo-aragnimadooda goobaha shaqada. Macluumaadka laga helayo sahankan waxaa lagu dari doonaa wareysiyo lala yeelanayo wakiillada ururada shaqaalaha iyo shaqaalaha ururada ganacsiga si loo helo sawir buuxa oo ka tarjumaya deegaanka ay dadku ka shaqeeyaan. Natiijooyinka guud ee laga helo sahankan waxaa adeegsan doona guddiyo gaar ah oo ka tirsan MnDOT si ay ugu hagaan isbeddelada lagu horumarinayo goobaha shaqada ee dhismaha culus ee waddooyinka, si ay u gobaha shaqada u noqdaan meelo lagu soo dhoweeyo laguna heli karo shaqo qof walba oo doonaya inuu ka shaqeeyo halkaas.
Sahanka soo socda waxaa loogu talagalay in lagu fahmo waayo-aragnimadaada shaqo. Sahanku wuxuu qaadanayaa qiyaastii 10 daqiiqo, waxaana si buuxda loo ilaalinayaa sirta iyo magac la’aanta ka jawaabayaasha. Wax macluumaad aqoonsi ah laguma ururinayo. Ma jiraan jawaabo sax ama khaldan ah — ujeeddadu waa in la fahmo khibradahaaga shaqo.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan SDK, ama haddii aad qabto su’aalo ama walwal, fadlan la xiriir sahankan (needsassessment@sdkstrategicservices.com).