Matxafka Duulimaadka – Sahanka Jawaab-celinta ee Qorsheynta Isbeddelka leh

Muddada: ~5 daqiiqo Naga caawi qaabeynta Matxafka Duulimaadka 10-ka sanno ee soo socda! Waxaan dib-u-eegaynaa cidda aan rabno inaan ahaano mac’had waxbarasho, matxaf, jaal, kheyraad, iyo deris ahaan. Geedi-socodkeenu wuxuu ka bilaabmaa inaan idin ka dhageysano adiga, bulshadeena guud, wixii ku saabsan aragtidiina iyo fikradihiina.Qeybta labaad ee sahanka wuxuu uruurinayaa macluumaadka qofka si aan u ogaano kala duwanaanshaha aragtiyada la qabo. Jawaabaha oo dhan waa qarsoodi. Waan ka mahadnaqaynaa wakhtigaaga! Kadib markaad dhammayso sahanka, waxaad heli doontaa fursad aad ku gasho bakhtiyanasiib looga helayo xirmo hadiyadeed Matxaf oo ay ku jiraan kaarka hadiyada VISA ee $25 ah, kaararka Matxafka Duulimaadka iyo hadiyad laga helo dukaanka Matxafka.
1.Waxyaabahaan soo socda kee baa sida ugu wanagsan u matala xiriirka aad la leedahay Matxafka? (Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya)
2.Hadday 9 dooratay, maxaad ugu lug lahaan wayday Matxafka? (FURAN)
3.Matxafa wuxuu leeyahay waxyaabo badan oo ku jira gudaha matxafka, bannaanka matxafka, iyo fogaan-arag ah! Kuwan aan hoos ku sheegnay, ka dooro kuwa aad wax ku saabsan taqaano. Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya.
4.Noocyadee waxyaabaha la helo ayaa kaa dhigi kara mid raba inaad ugu xirnaado Matxafka Duulimaadka si fogaan-arag ama fool-ka-fool ah midkood. Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya.
5.Wax badan nooga sheeg sababta aad u dooratay waxyaabaha sare?
6.Marka loo eego aragtidaada, maxay yihiin qiyamka iyo sifooyinka ugu muhiimsan ee Matxafka Duulimaadka si uu u lahaado 10-ka sanno ee soo socda? Fadlan dooro 3.
7.Maxaa ka maqan liiskaas qiyamka iyo sifooyinka ku qoran yihiin?
8.Maxay yihiin waxyaabaha qaar ee aad u malaynayso in madxafku ku fiican yahay maanta? (Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya)
9.Muxuu madxafku ku fiicnaan karaa, ama ku sii wanaagsanaan karaa?