Sahanka xaaladaha ganacsi ee hadda: Minneapolis Fed, Luulyo 2022
U sheeg Minneapolis Fed xaaladaha hadda ee ganacsigaaga!
Minneapolis Fed waxay mas'uul ka tahay la socodka xaaladaha dhaqaale ee hadda ka jira Ninth District (qabta 9aad ee Bangiga dhexe) Qaybtan waxaa kujira Minnesota, Dakotas, Montana, waqooyi-galbeed ee Wisconsin iyo Upper Peninsula ee Michigan.
Waxaan la shuraakoobaynaa kooxaha ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Ninth District (qabta 9aad ee Bangiga dhexe) ee wadanka si aan u ururino ra'yi-celintaada. Macluumaadkani waxa uu ka caawinayaa Madaxweynaha Minneapolis Fed Neel Kashkari iyo hoggaamiyeyaasha kale inay qiimeeyaan xaaladaha dhabta ah. Natiijooyinka sidoo kale waxaa lala wadaagaa la-hawlgalayaasha, kuwaas oo iyaguna adiga kula wadaagaya. Waxaan sidoo warbixin kooban siinaa sharci-dejiyeyaasha waxaanna ku sii deynaa ama siinnaa natiijooyinka sahanka dadweynaha guud.
Fadlan qaado 5 daqiiqo si aad uga caawiso in aad ogeysiiso dhagaystayaashan ballaaran xaaladaha dhaqaale ee hadda jira.
Dhammaan jawaabaha waa magac la’aan (qarsoodi). Si loo ilaaliyo macluumaadka la isku garto, fadlan ha ku darin faallo kasta wax macluumaad oo lagugu aqoosan karo.