Ra'yi Ururinta Macaamiisha MVTA ee 2024 (Customer Survey - Somali)

Qoraalka Asaasiga ah iyo Hordhaca

Hay'adda Minnesota Valley Transit Authority (MVTA) way qiimeysaa ra'yiga macaamiisha waxayna ku dadaashaa inay si joogto ah u hormariso adeegyada rakaabka gaadiidkeena iyo tayadooda. Fadlan daqiiqado yar inoo hur si aad u buuxiso su'aalaha ra'yi ururintan, oo loogu talagalay inay qaataan wax ka yar 10 daqiiqo. Ka qayb-qaadashada ra'yi ururinta waa qarsoodi, macluumaadkana lama siin doono ururo gacan saddexaad ah. Macaamiisha soo gudbiya suaalaha ra'yi ururinta oo buuxsan waxaa lagu soo dari doonaa liiska dadka u tartamaya inay ku guuleystaan kaararka Go-To Card oo $25 ah (10 kaar ayaa la bixin doonaa). Macluumaadka dadka u tartamaya abaal marinta si gaar ah ayaa loo maarayn doonaa lagumana xiri doono jawaabaha ra'yi ururinta. Si lagugu soo daro liiska dadka u tartamaya abaal marinta, fadlan magacaaga iyo macluumaadkaaga xiriirka ku qor qaybta dambe ee ray'yi ururinta.
1.Muddo intee le'eg ayaad isticmaaleysay MVTA (oo ay ku jiraan gaadiidka safarada caadiga ah, MVTA Connect, iyo gaadiidka munaasabadaha gaarka ah)? (Mid dooro)
2.Maxaad u isticmaashaa gaadiidka dadweynaha? (Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya)
3.Waa maxay ujeedada koowaad ee safaradaada? (Mid dooro)
4.Immisaa jeer ayaad raacdaa gaadiidka MVTA caadiyan? (Mid dooro)
5.Waa maxay sababaha aadan u raacin gaadiidka MVTA? (Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya)
6.Waa xagee goobaha aad caadiyan aaddo? (Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya)
7.Waa immisa celcelis ahaan dhererka safarkaaga caadiga ah ee hal sii socodka ah? (Mid dooro)
8.Immisa jeer ayay tahay inad gaadiid kale u wareegto inta aad ku sii jirto safarkaaga hal sii socodka ah? (Mid dooro)
9.Goormee ayaad inta badan raacdaa gaadiidka MVTA? (Mid dooro)
10.Si guud, intee in le'eg ayaad ku qanacsan tahay gaadiidka MVTA? (Mid dooro)
11.Sidee baad doorbideysaa inaad u bixiso nooliga gaadiidka? (Mid dooro)
12.Waa kuwee adeegyada safarada ee MTVA ee aad isticmaashid, sidee ayaadna ugu qiimayn lahayd cabbir u dhexeeya 1 ilaa 7, iyadoo 7 ka dhigan tahay mid aad u fiican, 1 na ka dhigan tahay mid liidata?
1
2
3
4
5
6
7
Ima khuseeyo
Goobaha gawaarida la dhigto gaadiidkana laga raaco
Meesha baaskiillada la dhigto
Dhismooyinka basaska lagu sugo
Qolka baaskiillada lagu xirto
Musqulaha dadweynaha
Boosteejada gaadiidka
Tusaha jadwalalda gaadiidka
Dhismooyinka leh qalabka kuleylinta
Khadka Wi-fi ga
App-ka RideMVTA
Websaydka MVTA
Baraha Bulshada
13.Sidee bad waxyaabahan soo socda ee ku saabsan gaadiidka MTVA ugu qiimeyn lahayd cabbir u dhexeeya1 ilaa 7, iyadoo 7 ka dhigan tahay mid aad u fiican, 1 na ka dhigan tahay mid liidata?
1
2
3
4
5
6
7
Ma aqaan
Darawalada
Nadaafadda basaska
Raaxada basaska
Agagga ay u baxaan
Dhanka badqabka
Inta jeer ee ay baxaan
Maclumaadka safarada ee ugu dambeyay
Sahlanaanta isticmaalka tas-hiilaadka
Sahlanaanta isticmaalka basaska
(Bandhigyada Gobolka, Ciyaaraha iwm.) Ku lug yeelashada/ka dhex muuqashada arimaha bulshada
Adeegyada Munaasabadaha Gaarka ah
Waadaxnimada macluumaadka
14.Sideed ku heshaa macluumaadka ku saabsan adeegyada MVTA? (Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya)
15.Maxaa kugu dhiirigelin kara inaad marar badan raacdo gaadiidka MVTA? (Dooro dhammaan kuwa ku khuseeya)