Screen Reader Mode Icon
Fursad hoggaamin oo magdhow leh.
King County Metro waxa ay shaqaaleysiinaysaa Lynnwood Link Connections Mobility Board. Lynnwood Link Connections waa hannaan la isku dubariday oo lagu hagaajinayo iskuxirka gaadiidka guud ahaan Waqooyi-galbeed ee King County iyo Koonfur-galbeed ee Snohomish County maadaama adeegga Link light rail uu ballaaranayo illaa 2024. Xubnaha bulshada kuwaas oo ku nool, ka shaqeeya, oona kudhex socdaalaya Waqooyi-galbeed ee King County, Koonfur-galbeed ee Snohomish County, iyo bulshooyinka ku xeeran waxaa lagu boorrinayaa inay soo codsadaan oo ayna ka tala-siiyaan Metro wixii kusaabsan qorshayaasha adeegga basaskeena iyo hannaanka wacyigelinta bulshadeena iyo tallooyinka loogu talagalay:  
  • Kuxiridda adeegsadayaasha gaadiidka illaa 5 boosteejo oo ah Link light rail oo cusub oo u dhexeeya Waqooyiga Seattle iyo bartamaha magaalada hoose ee Lynnwood 
  • Yareynta adeegga baska dheeraadka ah ee Link light rail  
  • Wanaajinta xulashooyinka dookhyada isu socodka, gaar ahaan kooxaha dadka taariikh ahaan la gaarsiin adeegyada 
  • Si siman ku wargelinta, kaqeyb qaadashada, iyo awoodsiinta macaamiisha hadda jirta iyo kuwa suuragalka ah ee hannaanka qorsheynta 
  • Iskuwada dubaridka isbadellada adeegyada kale ee gobolka oo dhan oo la xiriira kasoo kabashada COVID-19 
Metro ayaa dooneysa inay sameyso Mobility Board oo si siman u matala kooxaha dadka kuwaas oo taariikh ahaan laga reebay wadahadalada go'aan gaarista la xiriira gaadiidka iyo kuwa ay si aan habbooneyn usaameysay go'aanadaan. Kooxahaan dadka ah waxaa kamid ah dadka Madow, kuwa Asalki hore ah, iyo dadka aan caddaanka ahayn; dadka jismi ahaan iyo/ama garaad ahaan naafada ah; dadka leh dakhliga hoose amaba aan lahayn; soogalootiga iyo qaxootiga; iyo bulshooyinka luuqadaha ahaan kala duwan. Waxaa sidoo kale raadineynaa matalaad kasocota dadka waaweyn, ardayda iyo dha
  
Codsiyada Mobility Board ayaa la aqbalayaa ilaa Maarso 31, 2022.

Dhammaan soo codsadayaasha kuwaas oo keena macluumaadka lagala xiriiro oo ansax ah ayaa lagu wargelin doonaa go'aanka xulashada horraanta bisha Abriil. Kulamada ugu horreeya waxaa la qaban doonaa dhammaadka bisha Abriil iyo/ama horraanta bisha May ee sanadka 2022 taariikhda saxda ahna waxaa la go'aamin doonaa iyadoo lagu saleynaayo helitaankaxubnaha gudiga.
  
Codsigaan waxa uu qaadan doonaa qiyaas ahaan 15 daqiiqo si loo dhameystiro. Haddii aad wax su'aalo ah qabto ama aad doorbidi lahayd in codsigan iimeel ahaan laguugu soo diro ama boosto ahaan laguugu keeno fadlan la xariir Metro halkaan haveasay@kingcounty.gov ama (206) 263-1939.
0 of 15 answered
 

T