• English
  • Español
  • Oromoo
  • Soomaali
  • Tiếng Việt
  • Русский
  • Українська
  • العربية
  • ትግርኛ
  • አማርኛ
  • 中文(简体)
  • 中文(繁體)
  • 한국어

Codsiga

Waad ku mahadsantahay daneyntaada codsashada Access Paratransit Advisory Committee (APAC, Guddiga Talo Bixinta Gaadiid Kabista ee Access).  

Ujeedada APAC ayaa ah in Gaadiidka King County Metro Transit, Qeybta Fullinta King County, iyo Golaha King County lagala taliyo arrimaha la xiriira gaadiid kabista Access iyo shuruudaha heshiiska ee adeegga gaadiid kabista Access. APAC ma ahan guddi go'aan sameeya. APAC waxay xubno cusub ka shaqaaleysiinayaan Golaha Degmooyinka King County ee 2, 3, 5, 6, 8, iyo 9. Waxaan ku boorineynaa dhammaan rakaabka raaca, oo ay ku jiraan dhalinyarada, dadka aanan caddaanka ahayn, dadka naafada ah iyo/ama aqoonta Af-Ingiriisiga uu xadidan yahay inay soo codsadaan. 

APAC waxay ka kooban yihiin 11 xubnood oo ay soo xusho qeybta Fulinta King County oo ayna ansixiyaan Golaha King County. Xubinnimada ayaa ka kooban: 

  • Raacayaasha Gaadiid Kabista ee Access  
  • Xubnaha katirsan qoysaska raacayaasha gaadiid kabista ee Access 
  • Wakiilada ururada adeegyada siiya/AMA taageera raacayaasha gaadiid kabista ee Access

Xubnaha waxa ay xilka hayaan midkood muddo xileed hal sano ama labo sano ah.

Kulamada APAC
Si loo dhammaystiro qorshaha shaqada loona wajaho arrimaha kale ee soo baxaya. APAC waxa ay kulamada u qabtaan sida soo socota: 
  • Hal kulan oo furan oo bille ah. La qabto Isniinta labaad ee bilkasta, saacadda 6:00 pm - 7:30 pm.
  • Kulamada guddi hoosaadka (sidi loogu baahdo).

Kulamada waxaa lagu qabtaa Af-Ingiriisi. Adeegyada turjumaada iyo hagaajimaha kale ayaa la bixin karaa markii la codsado.

Buuxinta codsigan, laguuma dammaanad qaadayo xubin ka noqoshada APAC Taa beddelkeeda, codsigaaga waxaa loo diri doonaa qeybta Fulinta iyo Gollaha King County si ay u qadariyaan. Waxaad gudbin kartaa gal-taariikheed beddelki aad buuxin lahayd foomka codsigan.   
Soo codsadayaasha waa inay dagan yihiin King County si ay ugu adeegaan guddiga ama komishanka King County. Shaqaalaha King County ayaa ka mamnuuc ah inay xil ka qabtaan guddiga ama komishanka King County. 


Haddii aad qabto su'aalo ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foomkaan, fadlan iimeel udir: haveasay@kingcounty.gov ama wac (206) 263-1939. Adeegyada TTY, fadlan wac 711 (Washington Relay). 

T