Aftida Aragtida Beesha
Waa maxay afkaarta waaweyn ee Roseville? Siddee ayaad u aragtaa mustaqbalka beesha? Siddee ayuu u muuqdaa? Magaaladdu waxa ay hor-kacaysaa hab fakar abuurin ah oo beesha ku saabsan – Hindsaha aragtida Roseville – si aan u caawino ka jawaabida su’aalahaa iyo kuwo kale oo badan waxa aan u baahanahay caawimaadda si aan uga dhigno barnaamijkan mid najaxa! Magaaladdu waxa ay aruurinaysaa ra’yiga beesha waxa ayna jeclaan lahayd in ay maqasho aragtidaadda. Booqo shabakada (website) barnaamijka si aad uga ogaato wax badan oo arrintan ah, aad ula wadaagto afkaartaada aadna ku sameyso aftida. Ha hilmaamin inaad is-qoro si aad u hesho akhbaar ku saabsan fursadaha soo socda si aad uga qaybgasho. Fadlan dhamaystir aftidan si aad nooga caawiso inaan fahamno aragtidaada ku saabsan Roseville.

GUUDMARKA: Magaaladda Roseville (City of Roseville) waxa ay hor-kacaysaa dadaal lagu qaabeeynayo hindiso aragti beelaad ah. Hindisaha beeshu waa hage higsasho ah ama naqshad qorshe oo magaaladdu wadato. Waxa ayna bixisaa waxa la yiraa “xidigta waqooyiga” “(north star)” ama aasaas guud oo ah go’aamo muhiim ah oo ku saabsan dhinacyada sidda gaadiidka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, guryaha iyo horumarinta xaafadaha, amaanka iyo nabadgelyadda, iskuulada iyo waxbarashada iyo waxyaabo kale oo badan, booqo shabakada (website) looga qaygalo barnaamijka ee ah: https://zan.mysocialpinpoint.com/envision-roseville.

WAXA AAN U BAAHANAHAY CAAWIMAADAADA! Magaaladdu waxa ay doonaysaa inay kala shaqeyso beesha Roseville u qaabiyenta aragti mustaqbal magaaladda. Fadlan dhamaystir aftidan si ay nooga caawiso inaan fahamno aragtidaada mustaqbal ee Roseville. Natiijooyinka waxa isticmaali doona kooxda barnaamijka si ay ugu abuuraan aragti mustaqbal iyo higsiga beesha oo muujinaya qiimayaasha Roseville. 

Aftidu waxa ay qaadan qiyaastii qadar 10 daqiiqo in lagu sameeyo. Dhamaan jawaabahaaga oo dhami waxa ay noqon doonaan qarsoodi wixii akhbaar shakhisayn ah oo la bixiyana lalama waqdaagi doono cid dibada ah.

T