Dhismaha Xarunta Dhaqanka iyo Madadaalada Soomaaliyeed |
Soo dhowow,
Waad ku mahadsan tahay xiisahaaga ku aaddan inaad gacan ka geysato aas-aasidda xarunta dhaqanka iyo madadaadala Soomaalida Toronto.
In kabadan soddon sano, Soomaalida ku nool Canada waxey u ololeynayeen dhisidda xarun ay leedahay Soomaalida, taasoo diiradda saarta baahida ay bulshadu u qabto arrimaha dhaqanka iyo madadaallada. Xaruntan waxaa loogu tala galay inay noqoto mid bixisa barnaamijyada kala duwan ee ay u baahan yihiin bulshada Soomaalida da' walba, oo ay ku jiraan, carruurta, dhallinyarada iyo waayeelka, halka sidoo kale xarunta ay noqon doonto halka lagu ilaaliyo laguna xuso wax qabadka iyo taariikhda hodanka ah ee bulshada Soomaalida.
Kadib dardargelin iyo ballan-qaad cajiib ah, bishii July ee sanadkii 2022, golaha deegaanka ee magaalada Toronto, waxey si gacan-taag ah ugu codeeyeen mooshinka MM47.29, kaasoo sharciyeynaya dhisidda xarun dhaqan iyo madadaalo oo ay yeeshaan Soomaalida Toronto. Tallaabadan muhiimka waxey aheyd natiijo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqa bulshada iyo dib u cusbooneysiinta iskaashi xooggan oo dhex mara xubanaha la doortay ee golaha deegaanka iyo hoggaamiyeyaasha xarunta dhaqanka iyo madadaalada Soomaalida Toronto. (SCCR).
Hadafka hindisahan, waa in la dhiso xarun qurxoon, tayo sare leh, oo leh baaxad haboon oo laga dhiso Toronto, taasoo faa'ido u leh dhammaan reer Toronto, iyadoo sidoo kale muujineysa aragtida gaarka ah ee ay qabaan bulshada Soomaalida ee Toronto. Xaruntan dadweyne, waxey udub-dhexaad u noqon doontaa hal-abuurka Soomaalida, shaqooyinka bulshada, madadaalada iyo keydinta hidaha iyo taariikhda Soomaalida Canada. Xarunta waxey ku talo jirtaa sare u qaadista dhaqanka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo deegaanka ku xeeran bulshada, iyadoo sidoo kale wax laga qabanyo farqiga adeegga ee u dhexeeya bulshada, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha xarunta ay ku biirineyso magaalada.
Tilmaamaha
Ra'yi ururintan waxey ka kooban tahay 13 su'aal oo qiyaas ahaan qaadaneysa 9 daqiiqo. Si aad u gudbiso jawaabahaaga, waxaa lagama maarmaan ah in aad dhammeystirto dhammaantood.
Waad ku mahadsan tahay waqtiga aad galineyso fikirkaaga ku saabsan mashruucan muhiimka u ah bulshada.